Dhageyso: DF oo shaacisay in jaamacadaha dalka ka jira aysan aqoonsaneyn

Muqdisho (Caasimadda Online) –Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Wasaaradda Waxbarashada in aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha ku yaalla dalka oo ay ku jirto jaamacadda umadda ee dowladdu gacanta ku heyso.

Wasiirka ayaa ku dooday in in Jaamacadaha dalka ku yaalla keliya ay siiyeen aqoonsi ay ku shaqeeyaan, balse aanu jirin aqoonsi rasmi ah oo Jaamacadnimo ay u aqoonsan yihiin, taasoo ay ugu wacan tahay inay dalka ka jiraan jaamacado fara badan oo laga doonayo inay buuxiyeen shuruudo fara badan.

“Anaga ma jirto Jaamacad aan aqoonsanahay oo Jaamacad ahaan u aqoonsanahay ma jirto oo aan dhihi karno Jaamacadani waan aqoonsahay oo tayada waxa ay bixinayso, sababtoo ah koow waan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal inay soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiir C/raxmaan ayaa sheegay in xitaa Jaamacadda Umadda ay ka mid tahay,taas oo hoostagta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in marka la isu tago,qodobo la dejiyo islamarkaana lagu heshiiyo ay bilaaabi karaan aqoonsiga Jaamacadaha.

Dalka waxaa ku yalla Jaamacado ka badan 50 kuwaasi oo qaarkood bixiya taqasus gaar ah, inta badan waxaa lagu eedeeyaa tayada waxbarashadooda in aysan gaarsisaneyn heerkii loogu tala galay.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com