Wasiirkii dastuurka Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee waxaa goordhow la xaqiijiyay inuu geeriyooday wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo la dhigay kadib markii uu xanuun deg deg ah kusoo booday. Weli faah-faahin lagama bixin waxa uu xanuunkaas ahaa.

Xoosh Jabriil ayaa maal-mihii dhowaa u joogay magaalada Dubai inuu ka qeyb-galo arooska gabadhiisa, sida ay xubno ka tirsan dowladda federaalka u xaqiijiyeen Caasimada Online.

“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin” Waxaa sidaas yiri agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa wasaaraaddiiisa, waxay waayadan ku mashquulsaneyd dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com