Wasiirkii hore ee aminga oo shaaciyey in 94 qof ay ku dhinteen qaraxii maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, haatana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay qaraxii saaka ka dhacay isgoyska Ex-koonyarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo qoraal kooban soo dhigay barta fariimaha gaagaaban ee Twitter-ka ayaa shaaciyey in qaraxaasi ay ku dhinteen dad kor u dgaafaya 90 qof oo badan rayid.

Wasiirkii hore ee amniga ayaa sidoo kale kala saaray tirada dadka dhintay, wuxuu tilmaamay 73 qof ay haayeen shacab, halka 17 ay ka tirsanaayeen ciidanka Booliska.

Sidoo kale wuuxuu intaasi in qaraxii saaka ay ku dhinteen illaa afar ajaaniib ahaa, inkastoo uusan sheegin dalka ay ka soo jeedaan.

Weli dowladda Soomaaliya ma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaan ismiidaamiinta ahaa, balse guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca uu aad u badan yahay .

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa xusay in weerarkaan la damacsanaa in laga fuliyo Caasimada, si loola beegsado xarumo iyo mas’uuliyiin muhuum ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, iyadoona uu burbur xoogan soo gaaray dhismayaashii ku yaallay halkaasi.