Wasiiro xilalka laga qaaday oo magaalada Muqdisho kusoo bandhigay dacwad ayagoo qabsaday qareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah wasiiradii hore ee maamulka HirShabeelle ayaa warqad dacwad ah ka gudbiyay Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare kadib markii ay sheegayn in ay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen mudo ka badan hal sano.

Wasiiradaan oo gaaraya ilaa 11 Xubnood ayaa xilka haayey mudo ku siman 14 bilood waxayna qabsadeen qareen u dooda kaas warqad la wadaagay Maxamed Cabdi Waare.

Warqadda uu diray qareenka wasiirada cabashada qaba oo soo gaartay Caasimada Online ayaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa looga dalbaday in ay ka soo jawaabaan cabasha islamarkaana ay bixiyaan xuquuqda oo maqan mudo sanad ka badan.

Mushaar, Gunnooyin iyo lacago kale ayaa la sheegay in Wasiirada ay ka maqantahay.

Qaarkood ayaa sheegay in lagu leeyahay lacago deyn ah oo ay galeen mudadii ay xilka haayeen hadana loo heesto deentaasi.

Sidoo kale wasiiradaan waxay qabaan walaac dhinaca amniga ah maadaama ay galeen dakano ayey dalbadeen in la siiyo xaquuqdooda.

Ma jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku aadan arintaan soo cusboonaatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com