Weerar culus oo ciidamada lagu qaaday Amisom iyo khasaaraha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa goordhow weerar culus ku qaaday kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaasi oo ku sugnaa deegaan lagu Magacaabo Dabceeleey oo aan sidaa uga sii fogeyn Jowhar.

Weerarada lagu qaaday ciidamada AMISOM ayaa isugu jira Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah waxaana lasoo warinayaa in halkaasi uu ka dhashay khasaaro culus.

Weerarka iyo Qaraxyada kadib ciidamada AMISOM ayaa rasaas ooda ka qaaday waxaana rasaastaasi ku waxyeeloobay dad shacab ah oo goobta dagaalka ku sugnaa.

Khasaaraha labada dhinac ayaa kor u dhaacay ilaa 8 waxaana sidoo kale jira dhaawac ka dhashay weerarka kuwaasi oo la dhigay isbitaalada magaalada Jowhar.

Ma jiro hadal kasoo baxay maamulka oo ku aadan weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com