Weerar culus oo lagu qaaday garoonka Riyadh oo dilay 12 qof, dhaawacayna 309 kale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, 309 kalena way ku dhaawacmeen weerar Sabtidii lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyadh, iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo sii huriyay dagaalka u dhexeeya kooxdaasi iyo Sacuudiga.

Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee toddobaad gudihiis lagu qaado garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sacuudiga, waxaana uu sababay in gebi ahaanba la hakiyo duulimaadyadii garoonka, halka diyaarado badan loo weeciyay garoomo kale.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan afar muwaadin oo Sacuudiyaan ah, laba u dhashay Bangladesh, iyo lix qof oo u kala dhashay Mareykanka, Urdun, Falastiin, Suuriya, Suudaan iyo Masar.

Dhaawacyada oo gaaray 309 qof ayaa qaarkood xaaladoodu aad u liidataa, waxaana isbitaallada magaalada Riyadh la geeyay dad badan oo dhaawac ah, kuwaas oo lagu daadgureeyay gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, sida ay Reuters u sheegeen dad xog-ogaal u ah dhacdada.

Weerarka ayaa dhacay iyadoo aan wax digniin ah laga sii bixin, waxaana la sheegay in nidaamka Sacuudiga ee ka digista khataraha cirka uusan soo saarin wax digniin ah ka hor inta uusan weerarku dhicin.

Goobjooge ku sugnaa garoonka ayaa sheegay inuu arkay qarax xooggan, ka dibna uu gudaha garoonka ku arkay dad badan oo dhaawac ah oo dhulka yaalla. In ka badan toban gaari oo ambalaas ah ayaa sidoo kale lagu arkay iyagoo ku sii qulqulaya garoonka.

Mid ka mid ah rakaabkii ku dhaawacmay weerarka ayaa Reuters u sheegay inuu arkay wax cirka maraya, ka hor inta aysan soo dumin qeyb ka mid ah saqafka u dhow albaabka laga raaco diyaaradaha.

Safaaradda Mareykanka ee Riyadh ayaa muwaadiniinteeda si adag ugu boorrisay inay ka fogaadaan garoonka iyo deegaannada ku hareeraysan, iyadoo sheegtay inay ka warqabto weerarrada dhacay.

Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran ayaa toddobaadkan kordhiyay weerarrada gantaallada ah ee ay ku qaadayaan Sacuudiga, waxaana laba weerar oo hore loogu qaaday garoonka Riyadh ku dhintay afar qof, iyadoo sidoo kale burbur xooggan uu gaaray diyaarad rakaab oo Sacuudiga laga leeyahay.

Madaxa xafiiska warbaahinta Xuutiyiinta ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in kooxdiisu ay xirtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh.

Kooxda ayaa hore uga digtay in diyaaradaha rayidka ahi ay galaan hawada Sacuudiga, iyadoo ku dhawaaqday inay tahay aag ay ka socdaan howlgallo militari, ka dib markii dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero ay Isniintii bilowday duullaan ka dhan ah Xuutiyiinta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay ka fiirsaneyso inay ku biirto weerarrada cirka ee Sacuudigu ku hayo Xuutiyiinta.

“Waxaa suurtagal ah inaan ku biirno. Waan eegi doonnaa. Hadda ayaan ogaanay weerarkii ugu dambeeyay, sidaas darteed go’aan ayaan gaari doonnaa. Si aad u degdeg badan ayaan u dhaqaaqnaa,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugnaa bannaanka Aqalka Cad.

Xiisaddan cusub ayaa ka dhalatay dib u qarxidda dagaalka Yemen, ka dib markii uu burburay xabbad-joojintii sannadkii 2022 ay gaareen Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, taas oo muddo hakisay dagaalkii muddada dheer ka socday dalkaasi.

Dagaalka ayaa mar kale xoogaystay xagaagii la soo dhaafay, markii Xuutiyiintu ay horumar militari oo degdeg ah sameeyeen, kuna qabsadeen marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, oo ay kala wareegeen ciidammada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero.

Dowladda Yemen ayaa toddobaadkan billowday duullaan ay ku doonayso inay dib ugu qabsato deegaannadaas, hase yeeshee horumarka ay ciidammadeedu sameeyeen ayaa ilaa hadda gaabis ah. Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa go’doomin ku haya magaalada Tacis oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Yemen.

Sacuudiga iyo dowladda Yemen ayaa sheegay inay boqolaal weerar ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla deegaannada Xuutiyiintu maamulaan, halka kooxdaasi ay ku eedeysay duqeymahaas inay ku dhinteen dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Reuters ayaan si madax-bannaan u xaqiijin karin sheegashooyinkan.

Weerarrada soo noqnoqday ee lagu qaaday Riyadh ayaa muujiyay nuglaanta difaaca cirka Sacuudiga, xilli boqortooyadu ay isku dayeyso inay dib u riixdo awoodda militari ee Xuutiyiinta, kuwaas oo weerarradoodu hadda saameynayaan duulimaadyada caalamiga ah iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga dalka.

Dhacdooyinkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo Riyadh ay isu diyaarineyso martigelinta shirar waaweyn oo caalami ah oo ku saabsan tamarta iyo maalgashiga, kuwaas oo la filayo inay ka qeyb galaan madax iyo ganacsato caalami ah.

Inkasta oo shirkado diyaaradeed oo dhowr ah ay joojiyeen ama baajiyeen duulimaadyadooda Riyadh, qabanqaabiyeyaasha shirarkan ayaa Sabtidii sheegay inay u dhici doonaan sidii loo qorsheeyay, iyagoo ballanqaaday in la xoojin doono ammaanka ka qeybgalayaasha.

- Advertisement -

Read more

Local News