Weerar lagu laayay ciidamo ka tirsan DFS oo ka dhacay BALCAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday bar kontarool oo Ciidamada dowladda ku lahaayen duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo laba jiho ahaa ayaa waxa uu khasaaro kala duwan kasoo gaaray ciidamada Milliteriga dowlada kuwaasi oo ku sugnaa barta koontarool.

Maleeshiyada ayaa weerarkaasi ku dishay ilaa 5 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Milliteriga, kuwaasi oo xiliga weerarka ahaa kuwo ay ka muuqatay habacsanaan.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale dhanka dowlada uga dhaawacmay ilaa Seddex Askari, kuwaasi oo iyaguna la dhigay xarumo caafimaad oo ku yaalla degmada Balcad.

Dhanka Al-shabaab ayaa waxaa iyaguna weerarka uga dhintay ilaa Seddex maleeshiyo, halka laba kalane uu dhaawac kasoo gaaray.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la xiriira weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com