Weerarka oo lasoo afjaray iyo xogta khasaaraha + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay iney soo gabo-gabeeyaan weerarkii ka dhacay hotelka Naasa-Hablood ee magaalada Muqdisho, kaasi oo qarax xoogan ku bilowday.

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray marka hore afaafka hore ee hotelka, waxaana xigay in dabley hubeysan oo lagu qiyaasay ku dhawaad afar ilaa seddex ay gudaha u galaan hoteelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho..

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaanan ka hadlay si faahfaahsan ilaa iyo hadda weerarka hotelka iyo qasaaraha ka dhashay, laakiin ku dhawaad 17 ilaa 20 ruux oo u badnaa dad rayid ah ayaa ku dhintay weerarka ka dhacay hotelka, waxaana dadka badankood dilay qaraxa koowaad oo xooganaa.

Kooxaha hubeysan ee galay gudaha hotelka ayaa in muddo ah waxay wada dagaalameen ciidamada ilaalada hotelka oo ku jiray gudaha hotelka, waxaana kadib gaaray ciidamada dowlada Soomaaliya, laakiin ilaalada hotelka ayaa u suuro gashay iney dad kooban badbaadiyaan.

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka caawa dhacay.

Xaalada ayaa haatan u muuqata mid degan, balse dhawaqii qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay ayaa wali kasii guuxaha dhagaha dadweynaha ku sugan magaalada Muqdisho.

Khasaaro hantiyadeed oo badan ayuu geystay qaraxa, waxaana gubtay kaalin shidaal oo dhowr talaabo u jirta hotelka Alshabaab ay weerareen.

Somalia Explosion
Somalia Explosion
Qarax3
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com