Weerarkii Westgate hal su’aal oo loo la’ yahay jawaab ku reebay Kenya

Weerarkii West Gate waxa uu Kenya ku dhaliyey su’aallo  badan, waxaase ugu weyn:- Sidee dalkaasi iyo xarunta West Gate loo dhaliyey hubkii tirada badnaa ee Al-Shabaab ay isticmaashay?.

“Hay’adaha Ammaankeena amee ka daranyihiin kuwa Dowladaha Dariska nala ah oo Soomaaliya kamid tahay?” Ayuu yiri Ganacsate Kenyaan ah oo Wareysi siiyay mid kamid ah Idaacadaha Nairobi.

Afar maalmood ayaa Kooxo Hubeysan haysteen Goob Ganacsi, waxaana Hay’addaha Amaanka u suurtagali weysay in ay la wareegaan Xarunta.

Baarlamaanka Kenya ayaasi kulul u dhaliiyay hay’adaha Ammaanka kadib weerarkii lagu hoobtay ee Westgate.

Baarlamaanka oo Shalay Galab ka hadlay Amaanka Dalka ayaa dhaliilay Hay’adaha Ammaanka, waxeyna Xildhibaanadu isweydiiyeen sida loo soo galiyay Dalka hubkii tirada badnaa ee isticmaaleen kooxdii weerarka qaaday kaasoo keenay in ciidamada ay ku qaadato afar maalmood in lasoo gabagabeeyo weerarkaas.

Su’aalo badan oo furan ayaa jira, waxaana kamid ah: Sidee Dowladd dhan ugu suurtagali weysay in ay soo Afjarto Weerar Argagixisnimo? Xagee Hubkaas oo badan ka imaaday? Sidee Hubka losoo galiyay Xarunta Westgate oo kamid ah Xarumaha sida fiican loo ilaaliyo? Maxaa keenay Wararka iskhilaafsan oo ay shaaciyeen Hay’addaha Amaanka iyo Wasaarada Arimaha Gudaha?…

Ciidamada Kenya oo taageero ciidan ka helaya dalal dibadda ah ayaa u suurtagalin Afar Maalmood in ay la wareegaan Xarunta.

Hay’adda Red Cross ayaa Xalay Shaacisayin Dadka Weerarku ku dhinteen ay hada marayaan 65, halka dhaawaca lagu qiyaasay 250 oo Qof.

Madaxweynaha Kenya Kenyatta ayaa sheegay in Weerarka ay ku dhinteen 62 Qof, lix Askar ah, iyadoo la dilay Shan kamid ahaa dableydii weerarka soo qaadday, waxaana gacanta lagu dhigay 11 kale.

Guud ahaan dalka Kenya waxaa ka billowday Saaka, saddex maalmood oo baroor diiq ah si loogu tacsiyeeyo, loona muujiyo in laga xun yahay dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta Westgate ee magaalada Nairobi.

Westgate Mall oo ku yaala xaafada Westland ee galbeedka Nairobi ayaa ah Suuq ay inta badan ka adeegtaan kuna qaxweeyaan Ajaanibta iyo dadka Lacagta leh ee degan Nairobi.

Mall-kan ayaa waxa ku dhex yaal 80 Dukaan oo iskugu jira kuwo adeeg, maqaayado, baarar iyo suuqyo waaweyn oo badankood laga leeyahay wadamada reer Galbeedka, waxaana Mall iska leh Nin Isreali ah.

Isha: KON