Faah-faahin: Weeraro xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weeraro xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu beegsaday saldhigga degmada Kaaraan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Weerarka kadib ayaa waxaa howlgal sameeyey ciidamada Booliska ee Kaaraan oo gudaha u galay xaafadaha ku dhow saldhigga, walow ay baxsadeen ragga weerarka geystay.

Sidoo kale weerar labaad oo isna loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in weerarka kadib ay rasaas fureen ciidamadii ku sugnaa gudaha saldhiggaasi.

Rasaasta ay fureen ciidamada ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo marayey wadada xilliga uu dhacayey weerarka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weeraradaas iyo howlgallada ay sameeyeen Booliska.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli habeenadii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo mararka qaar ay ka dhacaan falal liddiga ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.