Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Maxkamad lasoo taago labo weriye oo ka tirsan idaacadda Shabelle iyo SKY ee magaalada Muqdisho.
Labada weriye ee maanta lagu balansan yahay in lasoo taagayo Maxkamada ayaa waxa ay DF Somalia u xiran yihiin in muddo ah, iyagoo lagu eedeeyay inay idaacadahaasi ka baahiyeen Warar lagu sheegay been abuur.
September 21-keedii ayaa maxkamadda gobolka Banaadir waxaa la hor-keenay milkiilaha idaacadda Shabelle, C/maalik Yuusuf Maxamed iyo wariye Axmed Cabdi Xasan oo ahaa ku-xigeenka madaxa wararka idaacada, waxaana la filayaa in iyaguna ay maxkamadda kasoo muuqdaan mar kale.
Qoysaska weriyayaasha xiran ee maanta la horkeeni doono Maxkamada, ayaa waxa ay DF Somalia ugu baaqen cadaalad inay ugu adeegto Bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana dib xoriyadooda loo siiyo Weriyayaashasi.
Dhanka kale, Xeer-Ilaalinta guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa horay u sheegay in idaacadda Shabelle ay warar been abuur ah baahisay, kuwaasoo uu xusay in ay ka horimaanayeen amniga dalka, iyadoo ay tahay idaacadii tan iyo markii la xiray ay idaacaddu hawada ka maqnayd.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]