Sarkaal sare oo Al-Shabaab ka tirsan oo isa soo dhiibay kana warramy arin halis ah oo uu arkay

Kismaayo (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Alshabaab ayaa isku dhiibay maamulka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii si aan wanaagsaneyn ula shaqmeen Alshabaab.

Maamulka degmada Afmadow ayaa sheegay in sarkaalkaasi oo ka tirsanaa Alshabaab ay xireen ciidamo ka tirsan Alshabaab, kadibna jirdil iyo faquuqid aan wanaagsaneyn u geysteen.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Afmadow ayaa sheegay in sarkaalka isku soo dhiibay uu xiriir lasoo sameeyay kadib markii si xun ay ula dhaqmeen ururka Alshabaab, sida uuhadalka u dhigay.

Muuse Macalin Aadan, oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Afmadow ayaa sheegay in ruuxa isa soo dhiibay Barqadle Shukri Aadan lagu magacaabo ay jirdil u geysteen Alshabaab kadibna ay ku faquuqeen qabiilkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale wararka aan kaheleyno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay dileen rag ka tirsan Alshabaab kuwaasi ookus ugnaa duleedka deegaanka Garisyaani.

Tirada xubnaha Alshabaab ee lagu dilay Hiiraan ayaa lagu sheegay iney garaayaan afar ruux, kadib markii ciidamada ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com