Lahankaca HIV iyo AIDS (oo uu keeno fayraska loo yaqaan human immunodeficiency virus ama HIV)

By Abas Ali Hassan

Xaqiiqda Cudurada Galmada

Lahankaca HIV iyo AIDS (oo uu keeno fayraska loo yaqaan human immunodeficiency virus ama HIV)

Calaamadaha lagu garto

Calaamadaha HIV/AIDS-ka:

Wejigiisa hore (todobaadyo ilaa bilo ka dib marka fayrasku jirkaaga soo gaaro)

  • Jirro u eg sida hargabka nooca flu-ga
  • Qanjirada oo barara

Wejigiisa dambe (sannado ka dib marka fayrasku jirkaaga soo gaaro)

  • Qandho joogta ah
  • Habeenkii oo la dhidido
  • Shuban waqtigiisu daba dheeraado
  • Miisaanka oo hoos dhaca sababo aan la garanayn dartood
  • eelo ku barasan oo leh midabka purple-ka oo ku samaysma maqaarka dushiisa ama gudaha sanka iyo afka
  • Daal joogta ah
  • Qanjirada oo barara
  • Infekshan soo noqnoqda oo ku dhaca habka Neesfsashada

Ogow: Calaamadahani uma gaar aha HIV-ga, waxana keeni kara waxyaabo kale. Dadka qaba fayraska HIVga badankoodu ma yeeshaan wax calaamado ah ilaa dhawr sannadood.

Isu gudbinta

HIV-ga waxaa Fidiya:

1) Galmada caadiga ah

2) Galmada aan caadiga ahayn

3) Iyadoo la wadaago cirbadaha loo adeegsado daroogada la isku duro, kuwa loo adeegsado biraha jirka  la suro (body piercing) ama kuwa loo isticmaalo taatuuga (tattooing)

4) Waxyaabaha ka yimaadda dhiigg lahaa fayraskan (aad bay u yartahay in habkan uu u fido)

5) Hooyo cudurka qabta oo u gubisa ilmaha Dhalanaya

  • HIV-ga Laguma kala qaado:
  • Gacan qaadka
  • Meelaha lagu dabbaasho (swimming pools)
  • Dhunkashada (shumiska)
  • Fadhiga musqusha (toilet seat)
  • Koobka wax lagu cabbo
  • Cuntada
  • Xayawaanka oo gudbiya
  • Cayayaanka oo gudbiya
  • Hab siinta (hugging)
  • Qufaca

Dhibaatooyinka ka yimaada cudurkan

Dhibaatooyinka AIDS-ka:

  • Waqtigan la joogo looma hayo wax daawo ah; dadka badankiisuna waxay ku dambeeyaan inay u dhintaan cudurkan (badankood waxay sii noolaadaan 10 sano oo kale ka dib markay cudurka AIDS-ka qaadaan)
  • Wuxuu ku fidaa dadka galmoodku ka dhexeeyaan iyo kuwa wadaaga cirbadaha

Uurka iyo hiv/aids:

1) Hooyada uurka leh ee qabta HIV-ga waxay ilmaha u gudbin kartaa inta uu uurka ku jiro ama markuu dhalanayo

2) Hooyada qabta cudurkan waxay ilmaha ugu gudbin kartaa naasnuujinta (aad bay u yartahay in habkan uu u fido)

Ka hortagga

Talooyin ku Saabsan Sida loo Yareeyo Fiditaanka HIV:

1) Bacda galmada, marka loo isticmaalo si joogta ah saxna ah, waxay si aad ah wax uga tartaa ka hortagga faafitaanka HIV-ga oo ah fayraska keena AIDS-ka.

2) Isticmaal bac galmo oo ku habboon markasta oo aad samaynayso galmo caadi ah ama aan caadi ahayn

3) Yaree ama iska ilaali isticmaalka daroogada iyo khamriga

4) Cidna ha la wadaagin cirbadaha daroogada, suufka iyo cookers

5) Cidna ha la wadaagin cirbadaha loo silticmaalo taatuuga ama jirka lagu dalooliyo (piercing)

6) Yaree tirada dadka ay galmadu idinka dhaxayso

7) Baaritaananada lagu ogaado in jirkaaga uu ku jiro fayraska HIVwaxaa sameeya dhakhaatiirta, xarumaha caafimaadka ee cudurada galmada (STD), iyo xarumaha baaritaanka iyo la talinta  arrimaha HIV-ga

8) Ogeysii dadka aad la wadaagto galmoodka iyo cirbadaha daroogada isla markiiba haddii aad qaaddo fayraska HIV-ga

Daaweynta

Daaweynta HIV/AIDS:

1)  Looma hayo wax daawo ah cudurka HIV/AIDSka loogo bogsado

2) Marka la ogaado inta uu bilawga yahay daaweyntu waa dheerayn kartaa sannadaha noloshaada

3) Daawooyinka loo hayo cudurkan waxa loo qaataa si habka difaaca jirkaagu u shaqeeyo

4) Daawooyin ayaa jira lagu daaweeyo cudurrada la xiriira ama soo hoos gala AIDS-ka

5) Daawooyin ayaa jira aad u yareeya suurtagalnimada in hooyadu ay HIV-ga u gudbiso ilmaha dhalanaya

6) T ijaabooyin lagu eegayo daawooyin cusub ayaa jira