WHO oo shaaca ka qaaday in Covid-19 uu sanad Afrika ku dili karo 150,000 oo qof

Istar Cabdi YuusufBy Istar Cabdi Yuusuf

Muqdisho (Caasimada Online) – Coronavirus-ka cusub wuxuu dili karaa 150,000 oo qof oo ku nool qaaradda Afrika sanad gudaheed haddii aan tallaabo degdeg ah laga qaadin, sida lagu sheegay daraasad ay soo saartay WHO oo sheegaysa in ku dhowaad rubuc bilyan oo qof ay cudurka qaadi doonaan gudaha qaaradaan.

Qorayaasha cilmi-baarista, ayaa Jimcihii ku soo daabacay joornaalka BMJ Global Health, waxa ayna saadaalinayaan heerka infekshanku ka hooseeya qaybaha kale ee adduunka sida Yurub iyo Mareykanka, oo ay ka yaraato xaalado halis ah iyo dhimasho badan.

Inkasta oo ay sheegeen in dalal badan oo Afrikaan ah ay ku degdegayeen in ay qaadaan tillaabooyin xakameyn, hadan cilmi baarayaashu waxa ay ka digayaan in nidaamyada caafimaad ee Afrika ay si dhakhso ah u buuxsami karaan.

“Qaabkeenu wuxuu tilmamaa baaxadda dhibaatada ee nidaamyada caafimaadka haddii tallaabooyinka xakameynta ay ku guul darreystaan,” ayay qoraayaashu ku sheegeen warbixinta.

Daraasadda ayaa timid iyada oo ay jiraan digniino adag oo ku saabsan in Covid-19 uu halis gelinayo xaalad caafimaad oo deg deg ah, waddamada soo koraya ku waas oo nidaamyada caafimaad ee jilicsanyihiin ayna durba la halgamayaan cuduro kale oo raga sida dhiig karka, Sokorta iyo cuduro kale.

Khubaro ka socota xafiiska WHO ee Africa ayaa qaabaynaysa heerarka ay u badan tahay soo-gaarista fayraska iyo caabuqa ka jira 47-da dal ee uu aadka u saameeyay gobolka,oo ay ugu daranyihiin wadamada Carbeed ee Jabuuti, Masar, Libya, Morocco, Soomaaliya, Sudan iyo Tunisia.

Qiyaastii 231 Milyan oo dad ah, ama 22% (oo leh inta u dhexeysa 16 illaa 26%) oo ka mid ah halka bilyan ee dadka gobolka ku nool ayaa la filayay in ay cudurka qaadaan 12 bilood gudahood – badidoodu waxa ay muujinayaan astaamo ama astaamo aan badnayn sida ku cad warbixinta.

Laakiin dad lagu qiyaasey 4.6m oo qof ayaa u baahan doona in isbitaal la dhigo, halka 140,000 ay qabaan infakshanka Covid-19 ayna noqo doonaan bukaan socod halka 89,000 ay aad u xanuunsan doonaan sida lagu sheegay daraasadaan.

Taasi waxa ay horseedi doontaa ilaa 150,000 dhimasho ah (inta u dhaxaysa 83,000 iyo 190,000) daraasadda ayaa soo jeedisay.

Qaabaynta ayaa ku qiyaaseysa waxa ku dhici doona waddan kasta muddo sannad ah laga bilaabo bilowga baahinta baahsan ee bulshada.

Baarayaasha waxa ay ka digayaan in isbitaalka ee loogu talagalay Covid-19 loo weecineyso kheyraadka horey u xaddidanaa si wax looga qabto arrimaha waaweyn ee caafimaadka ee gobolka, sida HIV, qaaxada, duumada iyo nafaqo-xumada, oo sii xumeyneysa saameynta coronavirus ee Gobolka.

Gobolku ayaa lahaan doona tiro yar oo dhimasha ah, laakiin wuxuu ku dhacaa si aad u yar dadka da ‘yar ah, oo ka mid ah dadka horey loogu arkaayay in ay caafimaad qabaan – sababa la xiriira cudurrada aan la-kala-qaadin”ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo intaas ku dartay in isbeddelladaas ay durba soo baxeen.

Baarayaasha waxa ay sheegeen in ay filaayeen in fayrasku u badan yahay in uu ku faafi doono gobolka muddo ka dheer wadamada kale, laga yaabee dhowr sano.

Faafitaanka ayaa lagu qiyaasey in ay ugu badan tahay waddamada yaryar, iyadoo Mauritius la ogaaday in ay leedahay khatarta ugu sarreysa ee soo-gaarista xanuunka.

Wadamada waaweyn ee gobolka, Koofur Afrika, Cameroon iyo Algeria ayaa iyaguna ku jiray 10ka ugu sareeya ee halista Xanuunka Coronavirus.

Qoraayaashu waxa ay ku xisaabtameen khatartan iyagoo eegaya faafitaan xanuunka iyo sida dalalkaasi ugu fududaan karto dhaqdhaqaaqa, fayadhowrka iyo dhaqanka nadaafadda si ay awood ugu yeeshaan xakamaynta Cudurka safmareenka ah.

Waxa ay sidoo kale ku daraan cimilada – lama oga haddii heerkulka diirran uu hoos u dhigo faafitaanka Covid-19, in kasta oo cilmi baarisyada qaarkood ay soo jeediyeen in ay saameyn ku leedahay coronavirus kale.

Waxa ay sidoo kale eegeen arrimaha khatarta caafimaad – cabirka dadka ka weyn da’da 65, faafitaanka HIV (oo wakiilka ugu ah cudurada faafa) iyo sonkorowga (oo wakiil u ah cudurada dabadheeraha ee aan faafin).

Warbixintu waxa ay qiyaastay in qaar ka mid ah 88% dadku aysan ogaan doonin in ay qabaan fayraska, oo leh astaamo fudud ama midkoodna haba yaraatee, halka 4% ay la kulmi doonaan jirro daran ama nafta halis gelisa.

Waxa ay ku baaqeen dalalku in ay si dhakhso leh kor ugu qaadaan awooda daryeelka caafimaadka, gaar ahaan Isbitaalada aasaasiga ah caafimaadka bulshada.

Bishaan May, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in tirada dhimashada cudurrada la xiriira Aids-ka ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ay sii labanlaabmi karto haddii bixinta daryeel caafimaad la siiyo dadka qaba cudurka HIV-da oo la carqaladeeyo inta lagu jiro dhibaatada cudurka coronavirus.