Xaaf oo qoraal xasaasi ah oo ka dhan ah DF Somalia u direy Beesha Caalamka

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa farriin xasaasi ah oo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya u diray Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeyo Soomaaliya.

Qoraalka oo ku qornaa luuqadda Inigriiska ayuu Madaxweyne Xaaf Beesha Caalamka ugu sheegay inuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta kala noqday wakaalashada.

Madaxweyne Xaaf ayaa sababta uu wakaaladda ugala noqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku sheegay inay dowladda Soomaaliya ku takrifashay wakaalashada isla markaasna lagu fashilmay dhisidda Galmudug loo wada dhan yahay.

Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa waraaqda ku sheegay inuu magacaabay guddiga farsamada ee doorashada Galmudug isagoo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay Galmudug gelisay galqal siyaasadeed.

Warqadda uu Xaaf u diray Beesha Caalamka ayaa timid kadib markii uu dhawaan Magaalada Gaalkacyo ka sheegay inay dowladda ku fashilmatay dhismaha Galmudug isla markaasna ay xoog meesha uga saartay odayaashii lahaa saxiixa Xildhibaanada Galmudug.

Maaha markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Xaaf wakaalashada kala noqdo Wasaaradda Arrimaha Gudaha wuxuu sidaan oo kale sameeyey sanadkii hore kadibna waxaa laga gaaray isfaham inkastoo aan la ogeyn waxa keenay soo laabashada labaad.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xaaf u diray Beesha Caalamka