Muqdisho (Caasimada Online) – Qaybo badan oo ka mid ah gobollada Soomaaliya ayaa wajahaya abaar si xooggan u saameysay nolosha dadka iyo duunyada.
Degaano tiro badan ayay qoysaskii ku noolaa ka barakaceen, iyaga oo u hayaamay goobo kale oo ay ka heli karaan biyo iyo cunto.
Dadka qaar waxay ka tageen deegaannadoodii iyaga oo aan wadan wax xoolo ah, kaddib markii xoolihii ay dhaqanayeen ay u baaba’een haraad iyo daaq la’aan.
Meelo ka mid ah dhulka ay abaartu ku dhufatay ayaa laga soo wariyay in xoolaha nool ay cunayaan kuwa dhintay, taas oo muujinaysa heerka daran ee xaaladdu marayso.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah deegaannada ay abaartu sida daran u saameysay.
Waxa uu sheegay in uu indhihiisa ku arkay dhacdooyin murugo leh oo la xiriira xoolo cunaya bakhtigii xoolo kale.
“Waxaan indhahayga ku arkay xoolo cunaya bakhtiga xoolo kale, taas oo ka dhalatay abaarta dalka ka jirta. Waxaan booqannay deegaano kala duwan si aan qiimeyn ugu sameyno xaaladda, meel kasta oo aan tagnayna waxaa naloo sheegay baahida ugu weyn waa biyo, baahiduna aad bay u daran tahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda SODMA.
Gobollada Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyiga dalka ayaa dhammaantood laga soo sheegaya saameynta abaarta, gaar ahaan qoysaska xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda ah, kuwaas oo haatan wajahay nolol adag isla markaana codsanaya gargaar degdeg ah, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu isu beddesho macluul haddii aan si dhaqso leh loo helin gurmad.

