Xarunta Xalane oo laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhaco

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ciidamo daacad u ah madaxweynaha xilligiisu dhammaaday lagu hareereeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay dhex deggan yihiin waftigiisa iyo kan madaxweynaha Jubaland ee Axmed Madoobe.

Waxa uu la meel dhigay weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday madaxweynayaal hore iyo musharrxiin si nabad ah u mudaharaadayay.

“Maxaaba shir laga qeyb galaa, meeshii aan u maleeynaynay inay amni tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamadaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febraayo weeraray Ma’ida iyo Airport-ka ee dadkii mudaaharadayay lagu qaaday,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo la hadlayay BBC.

“Koley dalka wuxuu ku jiraa marxalad adag oo ciidameysan, oo meel walba ciidan la geynayo, Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxaa moodaa in caqligii Milateriga waaguu dalka ka tagaayay ka jiray inuu sameynayo,” ayuu ku daray Deni.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in isbedel lagu sameeyay qaar ka mid ah ciidamadii booliska ee horay ugu sugnaa saldhigga garoonka oo la hoos geeyay qeybta guud ee Booliska (Booliska Gobolka Benaadir). Arrintan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey Madasha Badbaado Qaran, oo xalay qoraal soo saartay.

Taliska ciidanka Booliska ayaa markii uu warkaan soo baxay iska fogeeyay oo beeniyay in ay jiraan ciidamo lagu daabulay garoonka.

“Waxaan xaqiijinayaa in hoggaanka ciidanka booliska Soomaaliyeed aysan wax ciidamo cusub ama dheeraad ah ku daabulin garoonka Aadan Cadde,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray taliya Xijaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida aan xogta ku helnay xalay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde geysay ciidanka ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo daqiiqo kadib ka laabtay garoonka banaankiisa kadib markii ay isku hareereeyeen.

Xog muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaya in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in garoonka Muqdisho aysan mucaaradka hub la gelin, sidoo kalane cadaadis lagu saaro Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo sheegay in ciidanka garoonka tagay ay wateen gaadiid dagaal iyo hub culus, waxaana laga cabsi qabaa in loo adeegsado caburinta iyo cadaadiska mucaaradka. 

Amniga Garoonka diyaaradaha oo ay deggan yihiin safaaradaha reer galbeedka, Amisom, Midowga Africa iyo hay’ado badan ajnabi ah oo sirdoon iyo horumarinba ka shaqeeya waxa uu kamid yahay howlaha AMISOM, si la mid ah dekadda Muqdisho iyo madaxtooyada Soomaaliya, balse muddooyinkii gu dambeeyay waxaa xoogeysanayay awoodda ay ciidamada dowladda ku dhex leeyihiin.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhex deggan hotel ku yaalla garoonka waxa la socda dhowr boqol oo ilaalo gaar ah aadna u hubeysan, taas oo soo dedejineysa in xilli kasta uu iska hor imaad hubeysan ka billaaban karo xarunta ugu amniga badan Muqdisho, halisna gelin karo amniga garoonka iyo kan safaaradaha.