Xamza oo caawa kulan xasaasi ah la yeeshay Farmaajo + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa caawa booqasho ugu tegay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeedka kulankan yaa ku saabsanaa salaan iyo is-xog-wareysi, sida ay innoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isla soo qaaday xaaladda-siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo weli uu ka taagan yahay muran xooggan, maadaama ay isku hayaan Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Kulanka Xamza iyo Farmaajo ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana la filayo in dhawaan ay dib u bilowdaan wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Sidoo kale waxa la filayaa in todobaadyadan la sameeyo guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeynaya sidiii loo gaari heshiis ku aadan is mariwaaga labada dhinac, si xal loogu helo muranka daba dheeraaday ee ka taagan doorashooyinka dalka.

Si kastaba, Farmaajo ayaa horay u muujiyay dabacsanaan ku aadan qodobada ay la timid Villa Somalia, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, isaga oo aqbalay nooca doorasho ee ay soo bandhigtay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, inkastoo ay diideen xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah oo kala dhalatay xaaladda kala guurka ee uu dalka ku jiro, waxaana daba dheereeyay fashilka wada-hadallo dhowr wareeg ah oo ay yeesheen dowladda iyo mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News