Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wada-hadallo ama heshiis toos ah la gashay kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in xiriir noocaas ah uusan hadda ka dhexeyn labada dhinac.
Xamza, oo wareysi siiyey barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayaa sheegay in mowqifka dowladda uu yahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, balse ay diyaar u tahay inay wadahadal la yeelato cid kasta oo ka tanaasusha fikirka iyo dagaalka kooxda.
“Wada-hadal lama gelin, xiriirna nagama dhaxeeyo. Waxa naga dhexeeya waa xoreynta dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
“Qofkii wada-hadal doonaya ee jidkaas ka soo baxa diyaar ayaan u nahay. Wada-hadal weligeen ma diidin, waan la hadleynaa, waana soo dhoweyneynaa,” ayuu raaciyey.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay dib uga mid noqon karaan bulshada Soomaaliyeed haddii ay joojiyaan dilalka, kana tanaasulaan dagaalka ay kula jiraan dowladda.
“Maalinta ay dilka joojiyaan oo ay dowladdooda aqbalaan waxay noqonayaan walaalaheen,” ayuu yiri.
Xamza ayaa carrabka ku adkeeyey in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud midkoodna uusan wada-hadal toos ah la yeelan Al-Shabaab.
Hadalladiisa ayaa jawaab u ah warar iyo eedo muddooyinkii dambe soo noqnoqday oo ku saabsan inay jiraan xiriirro ama is-afgaradyo qarsoodi ah oo dhex maray dowladda federaalka iyo kooxda.
Eedaha lacagaha amniga
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay eedo sheegaya in dowladda ay lacago bixisay ama laaluush adeegsatay si ay u hesho xasillooni amni.
Xamza ayaa beeniyey in dowladdiisu wax lacag ah siisay Al-Shabaab si loo yareeyo weerarrada ama loo gaaro heshiis dhinaca amniga ah.
Wuxuu sheegay in dadka faafinaya eedahaas ay ku jiraan shaqsiyaad ay dowladdu ka shakisan tahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, inkastoo uusan soo bandhigin caddeymo faahfaahsan oo arrintaas ku saabsan.
Siyaasiyiin ayaa marar qaar sheegay in ay jiraann xiriirro u dhexeeya dowladda iyo Al-Shabaab, taas oo sababtay in ay yaraadaan qaraxyada Muqdisho.
Si kastaba, sheegashooyinkaas ayaa badankood waxaa sameeyey dad xiriir la leh ama ka tirsanaa dowladdii madaxweyne Farmaajo, taasi oo loo arkay mid ay isaga leexinayaan sidii ay ugu fashilmeen sugidda amniga caasimadda.
Dowladda federaalka ayaa si joogto ah u beenisay eedahaas, iyadoo ku adkeysaneysa in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu weli yahay mid ka mid ah mudnaanta ugu weyn ee dhinaca amniga.

