Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay la hadasho xubnaha Al-Shabaab ee doonaya inay ka tanaasulaan kooxda iyo fikirkeeda.
Wareysi uu siiyay Dawan TV ayuu Xamza ku sheegay in dowladda aysan diiddanayn in lala xiriiro ama lala hadlo xubnaha kooxda ee doonaya inay ka baxaan, isagoo sheegay in dadka sidaas sameeya ay xaq u leeyihiin inay dib ugu laabtaan nolol caadi ah.
Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu, qofka ka tanaasula Shabaabnimada waxaa xitaa suuragal ah inuu dowladda ku biiro haddii uu sidaas doorto.
Xamza ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar kamid ah xubnihii hore uga tirsanaa Al-Shabaab ay hadda u shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, halka qaarkood ay hayaan xilal sare oo rasmi ah.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha sheegaya in dowladda Soomaaliya ay lacag siiso Al-Shabaab si loo joojiyo ama loo yareeyo weerarrada ka dhaca Muqdisho.
“Dowladda iyo Al-Shabaab wax wada-hadal ah ma yeelan,” ayuu yiri Xamza, isagoo caddeeyay in kooxda uusan ka dhaxeyn waxaan dagaal ahayn.
Sidoo kale waxa uu sheegay in wararka ku saabsan lacag-siinta kooxda ay faafiyeen xubno uu sheegay inay kamid ahaayeen dowladdii hore, inkastoo uusan magacaabin mas’uuliyiinta uu ula jeedo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina eedeymo u jeediyay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hore, kuwaas oo uu sheegay inay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.
Eedeynta Al-Shabaab ayaa siyaasadda Soomaaliya ka noqotay wax caadi ah oo dhinacyadu isku eedeeyaan, iyadoo aysan soo bandhigin caddeymo xoojinaya eedeymahooda.

