Xamza: Waa khad cas, mana aha wax laga gorgortami karo in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Al Sharq ee dalka Qatar ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya aysan ahayn arrin laga gorgortami karo, isla markaana Dowladda Federaalka ay ka digeyso faragelin kasta oo wax u dhimaysa midnimada dalka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in mowqifka Soomaaliya uu weli sidiisii yahay, isla markaana ay diiddan tahay tallaabo kasta, aqoonsi kasta ama heshiis kasta oo hareer mara Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxna u dhimaya midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu xusay in aqoonsiga Somaliland uu yahay dano is ballaarin ah oo Israel leedahay, kuwaas oo uu ku tilmaamay in aysan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay wada-hadalka lagu xallinayo arrimaha gudaha dalka, balse aan la aqbali karin faragelita shisheeye. “Midnimada Soomaaliya waa khad cas,” ayuu Xamza.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay midnimadeeda ku difaaci doonto siyaasad, diblomaasiyad iyo sharci, iyo dhammaan hababka sharciga ah ee waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo mabaadi’da dastuurka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wuxuu xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii dhidibada u taagay Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay leedahay xuduudo caalami ahaan loo aqoonsan yahay, sidaas darteedna aysan jirin cid kale oo xaqiiqadaas ku beddeli karta tallaabooyin hal dhinac ah.

- Advertisement -

Read more

Local News