Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan af-fur ah ku maamuusay, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey dadaalka, dulqaadka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen muddadii ay socotay shaqada qaran ee dhammeystirka dastuurka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in guushan ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka,
Sidoo kale wuxuu adkeeyey in dastuurka la dhammeystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey khubaradii Soomaaliyeed iyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeeyey in la gaaro heshiis qaran oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed, iyada oo aan loo baahan kaalmo shisheeye.
Sidoo kalena wuxuu ku boorriyey Xildhibaannada iyo dhammaan hay’adaha dowladda in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran oo ka tarjumaysa rabitaanka iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo isna ka qeyb-galay ayaa dhankiisa sheegay in dastuurka la ansixiyay uusan ku imaan talo ama saameyn ka timid dhinacyo shisheeye, siyaasadeed ama dhaqaale midna, balse uu yahay mid ka dhashay aragti iyo go’aan Soomaaliyeed.
Xamza ayaa xusay in dhammeystirka dastuurka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, laguna dhisayo qaran leh awood iyo isku-filnaansho dhaqaale, isla markaana leh amni sugan iyo hay’ado dowladeed oo shaqeeya.
“Dhammeystirka Dastuurku waa aragti Soomaaliyeed oo fayoow, oo xoojinaysa horumarka iyo dhismaha qaran awood leh oo isku filan, dhaqaalihiisana ku tiirsan, leh amni sugan oo hirgelinaya doorashooyin madax-bannaan, awooddana loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.























