Xasan oo guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu shaaciyey in dowladda ay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilli ay magaalada Muqdisho ka maqan yihiin Ra’iisul wasaare Xamza iyo ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka madaxa-bannaan ee dalka ka socda iyo dimuqraadiyadda.

Sidoo kale, waxaa kulanka Golaha lagu soo bandhigay warbixinno muujinayaa howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay sameeyeen iyo guulaha la xaqiijiyay, kuwaas oo jab weyn soo gaarsiiyey Khawaarijta.

Intaas kadib Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Diiwaangalinta iyo Rukhsad-siinta Ganacsiyada iyo Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Agaasinka Guud ee Arrimaha Diinta ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa dhanka kale adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii laba jibbaari doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, kobaca dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka,

Waxaa kale oo ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha dowladda, si loo gaaro Soomaaliya nabdoon, midaysan oo horumar leh.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan ku howlan qorshayaal lagu dardargelinayo howlaha doorashooyinka dalka, iyada oo maanta Galmudug looga dareeray doorashooyinka isku sidaan ee golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka oo lagu soo dooranayo hanaan qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Read more

Local News