Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga dalka iyo dagaalka Al-Shabaab.
Labada dhinac ayaa kulankooda si gaar ah diiradda ugu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Sidoo kale, intii u socday kulanka waxaa lagu soo qaaday xoojinta taageerada Mareykanka ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, maadaama uu ka qayb-qaato howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muuqda ka qaadanayo xoojinta awoodda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyo adkaynta amniga, xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson ayaa dhankiisa adkeeyey sida ay Dowladda Mareykanka uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee labada dal.
Kulankan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo mudnaan gaar ah siinayso xoojinta iskaashiga amniga ee ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah.
Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah u taageera Soomaaliya dhinacyada tababarka iyo tayeynta ciidamada, duqeymaha ka dhanka ah kooxaha hubeysan, iyo taageerada dhismaha hay’adaha amniga. Dowladda Federaalka ayaa marar badan sheegtay in iskaashigan uu muhiim u yahay dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada iyo xoojinta amniga dalka.
Si kastaba, shalay ayay ahayd markii wafdi ka socda Congress-ka iyo taliska milatariga ay gaareen magaalada Kismaayo, halkaas oo ay wada-hadallo kula soo yeesheen Madaxweynaha Jubbada, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana la sheegay inay usii gudbi doonaan magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa oo ay kula kulmi doonaan madaxda Puntland iyo Somaliland.


