Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka oo ayagu kasoo horjeeda hanaanka doorasho ee dowladda wado.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay nidaam qeexaya cidda dalka mas’uulka ka ah iyo habka go’aannada loo gaarayo, isagoo muujiyay aragtidiisa in la dhiso nidaam siyaasadeed oo cad iyo hay’ado awood leh oo qaata go’aannada qaranka.
Xasan ayaa tilmaamay in weli ay jiraan siyaasiyiin uu sheegay inay ku faanayaan inay yihiin hoggaamiye-kooxeedyo, taas oo uu tilmaamay inay jahawareer ku keeni karto hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo cidda leh awoodda sharciyeed ee go’aannada qaranka.
“Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay kaca oo baraaruga, kaca oo baraaruga. Nidaam sameysta. Siyaasaddu waa waxa aad haysataan. Dhaqaaluhu wuu socdaa, dadku way ganacsanayaan, tacliintuna way sii horumareysaa, laakiin meeshii ay gaari lahayd weli ma gaarin,” ayuu Madaxweyne Xasan ka sheegay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda iyo arrimaha kale ee dalka aysan ku socon karin go’aanno shaqsiyeed, balse loo baahan yahay hannaan iyo hay’ado awood u leh inay si cad u qaataan mas’uuliyadda go’aannada dalka.
“Haddii aynaan toosin siyaasadda dalka, haddii aynaan aqoon cidda dalka masuulka ka ah, qof ma aha, hay’adda masuulka ka ah ee go’aanka u gaaraysa ummadda iyo sida ay ugu gaarayso, horumar ma gaari karno,” ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in amnigu yahay saldhigga lagu dhisi karo waxbarashada, dhaqaalaha iyo horumarka bulshada. “Amnigu waa geed-qaadkii beerta lagu diyaarinayay. Kadib ayaan beeraynaa waxbarasho, dhaqaale, sharaf iyo karaamo,” ayuu yiri madaxweynaha.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa sheegay in awoodda ugu weyn ee ummaddu aysan ku jirin oo keliya kheyraadka dabiiciga ah, dhismayaasha dhaadheer ama hubka, balse ay ku jirto aqoonta iyo tayada dadkeeda, isagoo tusaale u soo qaatay Japan oo uu sheegay inay horumarkeeda ku dhistay dadka iyo aqoonta.

