Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu safiirka la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dhankiisa, safiirka Ingiriiska ayaa Madaxweynaha kala hadlay doorka ay dowladdiisu ka qaadan karto arrimaha laga wada-hadlay, gaar ahaan taageerada la xiriirta amniga iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda, iyadoo labada dhinac ay hore u sheegeen inay iska kaashanayaan xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo kuwa kale ee dowliga ah.
London ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo ciidamada ka jooga dalka ay kaga qeyb qaataan dadaallada amniga.
Howlgalkan ayaa wajahaya caqabado la xiriira maalgelinta, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo joogtaynta howlaha amniga.
Kulanka Xasan Sheekh iyo Charles King ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya waddo dadaallo lagu xoojinayo amniga, isla markaana ay jiraan wada-hadallo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira xaaladda dalka iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM.

