Muxuu Xasan maanta ka sameeyay Gaalkacyo? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta Prof. Cadow ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isaga oo sidoo kale soo indha-indheeyay qeybaha kala duwan ee xarunta iyo goobaha lagu qabto tababarrada farsamada gacanta.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Xasan Sheekh wuxuu booqday fasallada, xafiisyada maamulka iyo goobaha tababarka, halkaas oo ardayda lagu baro xirfado kala duwan oo ay mustaqbalka ku shaqaysan karaan.

Xirfadaha lagu barto dugsiga waxaa kamid ah korontada, dhismaha guryaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka, kuwaas oo qeyb muhiim ah ka qaadan kara kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay madaxda dowlad-goboleedka Galmudug sida ay mudnaanta u siinayaan hirgelinta mashaariicda waxbarasho ee bulshada wax weyn u taraya, gaar ahaan kuwa lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta.

Xasan Sheekh ayaa xusay in maalgelinta xarumaha noocan oo kale ah ay muhiim u tahay horumarinta xirfadaha dhallinyarada, isla markaana ay kaalin ka qaadan karto yareynta shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhallinyarada la siiyo aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan ay sidoo kale u sahleyso inay abuuraan fursado shaqo oo cusub, taasoo qeyb ka noqon karta horumarinta dhaqaalaha iyo isku-filnaanshaha bulshada.

Booqashada Madaxweynaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa qayb ka ah safarkiisa shaqo ee nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada qaar ka mid ah deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug.

Xasan Sheekh iyo madaxda Dowladda Federaalka ayaa xilligan ku guda jira abaabul siyaasadeed oo la xiriira doorashada Galmudug, gaar ahaan ololaha JSP, iyadoo dowladda ay sidoo kale waddo abaabul ciidan oo ay sheegtay in looga gol leeyahay la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News