Xasan Sheekh oo dalab u jeediyey shacabka kadib markuu eedeeyey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu ku sheegay inuusan ogoleyn haykalka awood qeybsi ee dowladda, sida uu hadalka u dhigay

Xasan Sheekh ayaa sheegay in howlihii dalka oo dhan ay kusoo aruureen gacanta madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu sameeyay ku tumasho dastuur, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in muddo labo bil ku dhow uu dalku uu ahaado ra’iisal wasaare la’aan, midaasi oo ka dhigaysa xukuumada mid kali-talisnimo, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynuhu waxa uu si cad u baalmaray dastuurka marka laga eego tilaabooyinka uu qaaday tan iyo maalintii la doortay,” ayuu yiri.

Xasan ayaa carabku ku adkeeyay in madaxweyne Farmaajo uu weli fiirsanayo xukuumada aan sharci aheyn, maadama baarlamaanku uu meesha ka saaray xukuumaddii ra’iisal wasaare Kheyre, sida uu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyay inay ka wada shaqeeyaan sidii dalka loo bad-baadin lahaa, oo uu sheegay inuu marayo xaalad halis oo god mugdiya ku ridi karta.