Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta ka hor inta uusan ka dhoofin magaalada Muqdisho shir guddoomiyay kulanka guddiga fulinta ee ururka, kaas oo u muuqday dhoolatus siyaadadeed.
Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee ururka, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta wadajirka xubnaha ururka, dardargelinta howlaha siyaasadeed, iyo sidii ururku door muuqda uga qaadan lahaa geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Intii uu kulanka socday, Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray xubnaha cusub ee golaha deegaanka gobolka Banaadir ee dhawaan la dhaariyay, isagoo ku ammaanay sida ay uga go’an tahay inay ka shaqeeyaan horumarinta caasimadda.
Waxa uu xubnaha cusub kula dardaarmay inay si hufan, daacadnimo iyo isla-xisaabtan leh ugu adeegaan shacabka, isla markaana mudnaanta siiyaan adeegyada aasaasiga ah iyo bilicda magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loogu diyaar-garoobo doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay ka qabsoomaan dowlad-goboleedyada dalka.
“Doorashooyinka waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo matalaad dhab ah iyo dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha iyo xubnaha JSP inay ka shaqeeyaan midnimo, wada-tashi joogto ah iyo diyaargarow dhab ah oo horseeda doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo. Wuxuu sidoo kale adkeeyay in ururku uu door muhiim ah ka qaadan doono wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista ka-qaybgalka dadweynaha ee doorashooyinka soo socda.
















