Xasan Sheekh oo ka jawaabay soo jeedintii mucaaradka ee gole ku-meel gaar ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah u jeediyay Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa u jawaabay xubnaha mucaaradka oo dhawaan dalbaday in la dhiso Gole KMG ah oo dalka sii hoggaamiyo inta lagu guda jiro marxaladda adag kala guurka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay kasoo gudubtay xilligii kumee-gaarnimada, isla markaana ay xaqiijisay guullo waa wayn oo la taaban karo, haddana horay loo sii wadi doono dhismaha dowladnimada.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqday in xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladdiisa in aysan niyad-jebin dadka Soomaaliyeed, isla markaana aysan ka shaqeyn in la burburiyo hay’adaha dowladeed ee haatan ka shaqeeya dalka.

“Soomaaliyada maanta ma ahan Soomaaliyadii aad Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha kumeel-gaarka ah ka ahayd ee waa mid hormartay qalalaase la idin-kama yeelayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu kusii daray “Waxaan leeyahay haku tartamin cuuryaaminta hay’adaha qaranka iyo burburinta kalsoonida shacabka, hana marin habaanina bulshada Soomaaliyeed”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ogoshahay banaanbax iyo isku imaatin, balse aysan aqbali doonin in hub lasoo qaato, lana qalqal-geliyo amniga guud dalka.

“Maanta qof kasta afkiisa xor ayuu u yahay Jasiira teg hoteel kale tag inta aanan amniga shacabka waxa u dhimeynin oo aadan qoray la cararaynin xor ayaa u tahay. Banaanbaxaa furan isu imaatin aya furay, talaa furan,” ayuuyiri Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muran xooggan uu ka dhashay warqaddii ay dhawaan xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed u direen dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM, kadib markii ay ka codsadeen in taageeradooda Soomaaliya ay ku xiraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, sidoo kalena soo jeediyey dhismaha gole ku-meelgaar ah oo si wadajir ah u kormeera marxaladda dastuurka iyo doorashooyinka ka dhacaya dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News