Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaliya iyo Jabuuti, iyaga oo si gaar ah u dul istaagay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
Sidoo kale, booqashadan ayaa qayb ka ah safarrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo danaha dalkeenna iyo xasilloonida gobolka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqday magaalada Addis Ababa ee caasimada ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu wada-hadallo kula soo yeeshay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dal.
Sidoo kale waxaa kulankaas lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga dalalka gobolka, iyagoo is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha saameynta ku leh nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Jabuuti kadib tegi doona magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, isagoo kulamo kala duwan kula yeelan doono madaxda dalkaasi, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo Masar lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirar heer sare ah oo Afrikaan ah oo ka dhacaya magaalada New Alamein ee dalkaasi.
Xiriirka Muqdisho iyo Qaahira ayaa si weyn u xoogeysanayay sanadihii dambe, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo sidoo kale labada dal ay sare u qaadeen iskaashiga militariga, waxaana saraakiil sare oo Masri ah ay dhowaan Muqdisho kula kulmeen madaxda Soomaaliya, kana wada hadleen tababarrada, dhismaha awoodda ciidamada iyo taageerada Xoogga Dalka.
Safarrada Xasan Sheekh ee Itoobiya, Jabuuti iyo Masar waxay kusoo aadayaan xilli gobolka uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, oo ay ka mid yihiin dagaallada dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, colaadda Sudan iyo xiisadaha ka taagan Badda Cas.


