Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.
Kulanka labada madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Labada hoggaamiye ayaa si gaar ah uga wada-hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka kooxaha argagixisada, horumarinta hay’adaha dowladda iyo xoojinta wada-shaqeynta gobolka si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Geeska Afrika.
Uganda ayaa ka mid ah dalalka ciidamada ugu badan ku leh Soomaaliya, iyadoo door muuqda ka qaadatay howl-galladii Midowga Afrika ee lagu taageerayay dowladda federaalka, waxaana labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda sii wadista iskaashiga amniga.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Museveni ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan shir-madaxeedka dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan howl-galka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo berri ka furmaya magaalada Kampala.
Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladda amniga Soomaaliya, taageerada howl-galka AUSSOM, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Labada madaxweyne ayaa ugu dambeyn adkeeyay muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amni, xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara, iyagoo muujiyay in iskaashiga gobolka uu laf-dhabar u yahay guusha dadaalladaas.











