Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Galmudug iyo HirShabelle, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda iyo horumarinta nidaamka doorashooyinka dalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka ku nool gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay si nabad ah uga qayb-galeen codbixinta, isagoo maalinta doorashada ku tilmaamay mid meel wanaagsan kaga jirta taariikhda dimuqraadiyadda Soomaaliya.
“Maanta waa maalin kale oo baal wanaagsan ka galaysa sooyaalka dimuqraadiyadda iyo horay u socodka dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo bogaadiyay kumannaanka muwaadiniin ee ka qayb ka qaatay geeddi-socodka doorashada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ka qayb-galka shacabka uu muujinayo gudashada xaqooda dastuuriga ah ee codbixinta iyo doorka ay ku leeyihiin xoojinta dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo matalaadda shacabka.
Sidoo kale, Xasan Sheekh wuxuu ammaanay ciidamada ammaanka Soomaaliyeed ee sugayay goobaha codbixinta iyo shacabka ka qayb-galayay doorashooyinka, si hawshu ugu dhacdo jawi nabdoon oo xasilloon.
Sida uu sheegay Madaxweynaha, wax dhibaato ah lagama soo sheegin goobihii codbixinta, isagoo xusay in ciidamada ammaanku ay si hufan u xaqiijiyeen amniga intii ay socdeen doorashooyinka.
Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in doorashooyinkan ay muujinayaan ka go’naanshaha shacabka Soomaaliyeed ee dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, xoojinta nabadda iyo hirgelinta hannaan siyaasadeed oo ku salaysan rabitaanka shacabka.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa doorashooyinka Galmudug iyo HirShabelle ku tilmaamay tallaabo lagu sii xoojinayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee ku dhisan doorashooyinka tooska ah.

