Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu safar dhulka ah ku marayo deegaannada maamulka Galmudug.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta la hadli doono dadweynaha. Waxaa sidoo kale la abaabulay isu-soo-bax lagu taageerayo madaxweynaha.
Puntland ayaa si weyn u adkeysay ammaanka dhinaceeda magaalada Gaalkacyo, iyadoo la hakiyay isku-socodka labada dhinac ee magaalada. Maamulka ayaa socdaalka madaxweynaha ku tilmaantay mid abuuri kara qalalaase, waxayna heegan galisay ciidamadeeda.
Xasan Sheekh iyo madaxda Dowladda Federaalka ayaa xilligan ku guda jira abaabul siyaasadeed oo la xiriira doorashada Galmudug, gaar ahaan ololaha JSP, iyadoo dowladda ay sidoo kale waddo abaabul ciidan oo ay sheegtay in looga gol leeyahay la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Magaalada Gaalkacyo waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo bulshada iyo dhinacyada siyaasadda, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka.
Ka hor inta uusan soo gaarin Gaalkacyo, Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo hoggaamiyaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Bandiiradleey ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah shacabka magaalada.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Bandiiradleey ayaa qayb ka ah safarkiisa nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada Galmudug, kaas oo uu ku marayo degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si dhow ugu kuur-galaya xaaladda nololeed, amniga iyo horumarka bulshada ee deegaanada uu booqanayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka magaalada Bandiiradleey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, waxa uuna ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadajirka bulshada, amniga iyo horumarka deegaanka.













