Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe xasaasi ah oo Israel ay ka damacsan tahay Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Israel ay qorsheyneyso inay saldhig ciidan-badeed ka sameysato magaalada Berbera, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Xasan Sheekh ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyey Al Jazeera, oo qeybo ka mid ah la sii daayey Sabtida, iyadoo wareysiga oo dhameystiran la baahin doono Axadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan aqbali doonin joogitaan militari oo Israel ay ka sameysato dhul Soomaaliya ka mid ah.

“Sinaba uma aqbali doonno joogitaan Israel ay Soomaaliya ku yeelato qaabka ay hadda ugu soo dhowaaneyso Somaliland,” ayuu yiri Xasan Sheekh, sida lagu sheegay qeybo ka mid ah wareysiga la sii daayey.

Waxa uu sheegay in, sida uu rumeysan yahay, ujeeddada Israel ay tahay inay Berbera ka hesho meel istaraatiiji ah oo u dhow dalalka Khaliijka iyo Iran, isla markaana ay isticmaasho dekedda iyo garoonka magaalada.

Somaliland oo horey u beenisay

Hadalka Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya iyadoo madaxda Somaliland ay horey u beeniyeen wararka sheegaya in heshiis laga gaaray saldhig militari oo Israel laga siiyo Berbera.

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Maxamed Yuusuf Cali ayaa bishii June Reuters u sheegay in aysan jirin saldhig militari oo Israel ku leedahay Somaliland, isla markaana aysan socdaan wada-hadallo ku saabsan dhismaha saldhig noocaas ah.

Hase yeeshee, wuxuu xaqiijiyey in Israel ay tababaro siinayso ciidamada milatariga iyo booliska Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sidoo kale bishii February sheegay in aan wax heshiis ah laga gaarin saldhig militari oo Israel ay ka sameysato Somaliland, inkastoo uu meesha ka saarin iskaashi militari oo labada dhinac mustaqbalka dhex mara.

Khilaafka ayaa sii xoogeysanaya tan iyo markii Israel ay bishii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, iyadoo noqotay dalkii ugu horreeyey ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee tallaabadaas qaada.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u diiday aqoonsigaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Midowga Afrika iyo dalal ay ka mid yihiin Masar iyo Turkiga ayaa iyaguna kasoo horjeestay tallaabada Israel.

Maxay Berbera muhiim u tahay?

Berbera waxay ku taallaa xeebta Gacanka Cadmeed, meel ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Goobtaas ayaa ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamka, waxaana muhiimaddeeda militari iyo dhaqaale sii kordhiyey dagaallada Yemen iyo weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta ku socda Badda Cas.

Reuters ayaa horraantii sanadkan sheegtay in goobta ay Somaliland ku taallo, gaar ahaan dekedda Berbera, ay soo jiidaneyso danaha dalal badan sababo la xiriira ganacsiga, amniga iyo isku socodka Badda Cas.

Xasan Sheekh ayaa wareysiga Al Jazeera ku sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn in khilaafaadka Bariga Dhexe loo soo raro Geeska Afrika.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Xuutiyiinta Yemen inay qalqal geliyaan amniga gobolka isla markaana carqaladeeyaan maraakiibta isticmaasha Bab al-Mandab.

Madaxweynaha ayaa ku dooday in dadka Somaliland ay kasoo horjeedaan joogitaan Israel.

“Markan sidoo kale waxaan aaminsanahay inaan ka gudbi doonno caqabadda ay Israel abuureyso,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News