Xasan oo shir muhiim ah uga qeyb-galay Belgrade + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Belgrade (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay shirka dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaas oo uu khudbad ka jeediyay.

Madaxweynaha ayaa shirka kusoo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunidu wajahayo, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta caalamiga ah.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in caqabadaha maanta jira oo ay kamid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimilada ay u baahan yihiin xalal wadajir ah oo ku dhisan iskaashi caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay horumarka laga sameeyay dalka iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso xasilloonida, dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in taageeradaasi ay muhiim u tahay dadaallada lagu horumarinayo amniga, dhaqaalaha iyo dowladnimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ku dhaqanka mabaadii’da dhaq-dhaqaaqa dalalka dhex-dhexaadka ah, gaar ahaan dhowrista madax-bannaanida, midnimada dhuleed, caddaaladda iyo sinnaanta.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hab nabadeed, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dalalka si wax looga qabto caqabadaha amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwo kale ee dunida ka jira.

- Advertisement -

Read more

Local News