Sawiro: Xasan oo gurigiisa ku booqday Ugaas Xasan kadib wixii kala dhex-maray

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaaladaasi kulan gaar ah ku yeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kulankaasi ayaa ka dhacay guriga Ugaaska, kadib markii Xasan Sheikh uu magaalada Beledweyne Shalay gaaray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Kulankaasi oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa Xasan Sheikh Maxamuud uu u muuqday mid uu ku dhaqan gelinayay hadal shalay ka sheegay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa shalay sheegay inuu qancin doono cid walbaa oo tabasho ka muujisay hanaankii loo maray dhismaha maamulka Hirshabeelle oo muddo badan la isku hayay.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn u dhaliilsanaa dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo hanaankii maamulkii Xasan Sheikh Maxamuud ay u mareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com