25.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Xassan Sheekh oo isku soo dabiibaayo dalka Jarmalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta u amba baxaaya dalka Jarmalka.

Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin, ayaa la sheegayaa inuu yahay mid la xiriira arrimo Caafimaad, kadib markii maalmahaani dambe uu ka sheeganaayay xanuuno kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Afartii bil ee ugu dambeysay laba goor ku xanuunsaday Magaalada Muqdisho, waxa ayna sheegen in Safarkiisa maanta uu yahay mid la xiriira baaritaan Caafimaad.

Sanadkii tagey, ayuu Madaxweynuhu baaritaan guud oo caafimaadeed uu ku maray dalka Turkiga, ka dib markii bilowga sanadka 2014-kii uu ku turan turooday Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Saraakiisha ayaa xanuunadaasi u aaneynaaya buuq Siyaasadeedkii bilihii ugu dambeeyay ka taagnaa Madaxtooyada Somalia kaasi oo u dhexeeyay Labada Gole ee DF Somalia.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa sii mari doono Magaalada Ankara ee Xarunta Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News