Xasan Sheikh oo sheegay arrinta keliya ee fashilineysa wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay sharci xumida laga bartay dowladiisa taasi oo ku aadan in markii la xiro Saraakiisha ugu waaweyn Al-shabaab laga sii daayo Xabsiyada.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in arrinkaani uu yahay mid fashil ku ah dowlada isla markaana hoos u dhac ku keeneyso qorshihii laga lahaa dowlad la xisaabtameysa argagixisada.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in caqabad taagan ay tahay in markii la xiro Sargaal Al-shabaab ah uu yeesho dad u dooda isla markaana ka dabayimaada si loogu sii daayo.

Xassan Sheekh waxa uu ka digay in laga daba yimaado xubnaha ka tirsan Shabaab ee ay ciidanka dowladda soo qabtaan, waxa uuna tilmaamay in talaabada ceynkaasi ah ay dowladu horay go’aan uga qaadatay.

Dadka ugu badan ee Al-shabaabka garabka u noqda ee ka dabayimaada ayuu Xassan Sheekh sheegay inay kamid yihiin Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Ganacsato oo dhamaan doonaaya inay helaan shaqsigii argagixisada ahaa ee dowlada u xirnaa.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in mas’uuliyiintaasi ay ku doodayaan in aysan wax dambi ah aysan laheyn Shabaabka ciidanka dowladda ay soo qabtaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in dowladu aysan heysan doonin qof dambi aan lagu heyn balse mararka ay dhacdo Shabaab ay soo xireen ciidanka dowladda in ay soo daayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Xassan Sheekh ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo Al-shabaabka ku jira gacanta Hay’adaha amniga isaga oo dalbaday in lasii daayo shaqsiyaadka lagu waayay danbiyada si aysan u dhalan cadaaladaro.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kusoo beegmaaya iyadoo inta badan Xabsiyada dalka ay ku jiraan dhalinyaro aan danbi laheyn oo ku xiran dhowr sano, halka dhalinyarada qaar ay u xiran yihiin shaqsiyaad caadi ah oo iyagu doonaaya madax-furasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com