Xasan iyo hanjabaad cusub oo aan dhammaan.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku adkeysanaaya in waxbadan uu ka bedeli doono xaalada uu dalka ku jiro.

Madaxweyne Xassan oo kulamo kala duwan la qaadanaayo Saraakiisha sare ee AMISOM, Wakiilada beesha caalamka ka jooga Somalia iyo Saraakiisha Militeriga ayaa waxa uu kala hadlayaa sidii wax looga bedeli lahaa dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab iyo Daacish ee kusii xoogeysanaaya dalka.

Madaxweyne Xassan ayaa Wakiilada Caalamka ka jooga Somalia ka dalbaday inay garab ka geystaan ciribtirka Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacishta Somalia ee hadda ku wada dagaalamaaya Gobolada dalka.

Waxa uu sheegay in xiligaani uu yahay xiliga ugu munaasabsan ee laga guuleysan lahaa Al-shabaabka labada garab u kala jabay, waxa uuna Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowlada ku booriyay inay guullo degdeg ah kasoo hoyaan dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dalka uu iminka galaayo marxalad kala guur ah, waxa uuna ku taliyay in Umadda Soomaaliyeed looga faa’iideeyo Hubka ay wataan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada islamarkaana laga difaaco waxa uu ugu yeeray Cadowga Qaranka Somalia oo uu ula jeedo Al-shabaab.

Waxa uu ku hanjabay inay sii laba jibaari doonaan dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab iyo Daacishta Somalia, waxa uuna wacad ku maray in muddada xilkiisa ka harsan ay howsha Dowlada u badnaan doonto la dagaalanka Al-shabaab.

Dhanka kale, Hanjabaadani ayaa imaaneysa iyadoo tan iyo markii la doortay Madxaweyne Xassa uu waday Hanjabaado aan mirro dhal laheyn, mana cada waxa ay tani kaga duwanaan doonto hanjabaadihii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com