27.9 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

Xeer ilaalinta qaranka oo soo bandhigtay kiis xasaasi ah oo ka dhashay aflagaadada…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warsaxaadeed soo saaray ayaa shaaciyay inuu gacanta ku hayo gal-dacwadeed la xiriira  aflagaadada, sumcad-dilka iyo i sku-dirka bulshada ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Xeer Ilaalinta oo faah-faahisay dacwadda ayaa sheegtay inay ku jiraan kiisas la xiriira faafinta sawiro iyo muuqaallo anshax-xumo, faafinta beenta lyo kicin bulshada dhexdeeda ah.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in kiiskan dad loo maxkamadeeyay, kuwa kalena ay haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, si looga qaado tallaabo sharci ah.

“Kisaskaan ayaa muujinaya sida falalka noocan ahi ay khatar ugu yihiin xasiloonida bulshada, sumcadda dadka, aminga iyo kalsoonida guud ee bulshada” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale digniin adag u diray cid kasta oo ku kacda falal ka soo horjeeda shuruuda dalka iyo sumcadda shacabka, wuxuuna tilmaamay in la maxkamadeyn doono.

“Xafiisku, isagoo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta sharciga, kala dambeynta, iyo bad-qabka bulshada, wuxuu digiin adag u dirayaa cid kasta oo ku kacda falal ka soo horjeeda shuruuda dalka iyo sumcadda shacabka, isagoo ku wargelinaya in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono kuwa lagu helo, si loo ilaaliyo sharafta, sumcadda, iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yii warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay :Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu adkeynayaa in ilaalinta sharciga, ka hort-agga dambiyada, iyo difaaca sumcadda bulshada ay yihiin tirarka ugu muhiimsan ee xaqiijinaya nabad waarta iyo horumar bulsho oo joogto ah”.

Horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u qabatay kiis la xiriiray kicin bulsho oo ka dhashay gabdho isku dhex-dagaalay baraha bulshada, kadibna u rogay dagaal qabiil, kuwaas oo lasoo xiray, kadibna la xukumay, inkastoo markii dambe lagsii daayay xabsiga.

- Advertisement -

Read more

Local News