Xiisad & cabsi ka taagan magaalo dagaa ka dhacay iyo Shabaab…

Marko (Caasimada Online) – Xiisad dagaal ayaa saaka ka taagan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose  kadib markii xalay dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka degmada Qoryooleey.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada Qoryooleey waxaana ay marka hore ay weerar ka bilaabeen bar ilaalinta ciidamada oo ku taala halka laga galo magaalada Qoryooleey.

Shalay gelinkii dambe ayaa ciidamada AMISOM waxay isaga baxeen degmada Qoryooleey, walow markii dambe xalay fiidkii ay ku laabteen magaalada, waana midda keentay in Alshabaab ay gudaha magaalada ku sugnaadaan muddo daqiiqado ah.

Dagaalkii xalay oo socday ku dhawaad hal saac ayaa wuxuu sababay khasaaro soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana la ogeyn heerka khasaaraha uu gaarsiisan yahay.

Dadka deegaanka ayaa saaka sheegaya in xiisad ay wali ka taagan tahay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo laga baqayo in dagaalo kale ay dhacaan.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka deegaanka, waxayna ka baqayaan iney saameyn kale ku yeeshaan dagaalaada deegaanka ka dhacaya.

Caasimada Online
Xafiiska Marko
Caasimada@live.com