Xiisad dagaal oo ka taagan Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo degmada Baardheere ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay halkaas, kaddib markii la sheegay in magaalada ay isabaxeen ururka Al-Shabaab oo ka arriminaayay.

Lama sheegin halka ay aadeen ciidamada Al-Shabaab, oo la arkay iyagoo saaray gawaari dagaalk ay ka siibaxayaan magaalada Baardheere oo magaalada kaliye ay ka joogaan Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliy oo gacan ka helaya kuwa Kenya ayaa lagu soo waramayaa in deegaanada ku dhowdhow Baardheere ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan, kuwaaoo ay ku doonayaan in ay ka qabsadaan magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay Baardheere ku soo rogtay bandow shalay galab si dadka magaalada aysan u dareemin bixitaankooda.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Gedo ayaa wacad ku maray in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan magaalada Baardheere.

Dhawaan ayaa halkaas waxa booqday wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, isagoona sheegay in dowladda mushaar u bilowday ciidamada dowladda, si ay u dar-dar galiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo sannadkan magaalooyin badan laga qabsaday, waxa weli gacantooda ku jira dhowr magaallo oo ay ka mid tahay Baardheere.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho