Xiisad ka dhex-qaraxday Saciid Deni iyo beesha Ciise Maxamuud iyo Isimo isaga baxay magaalada Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaya saacadihii u danbeeyay ayaa sheegaya in khilaaf xooggan oo ku saabsan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya uu ka dhex qarxay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimada Gobolka Nugaal ee beesha Ciise Maxamuud.

Isimada ayaa la sheegay inay ka caraysan yihiin boob ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ku sameeyeen kursiga Golaha Shacabka #029 ee Beesha Ciise Maxamuud oo maanta laga doortay magaalada Kismaayo.

Kursigan ayaa waxaa loo xiray Axmed Macamuud Jaamac oo ah suxufi, islamarkaana iminka ka mid ah howlwadeenada madaxtooyada Jubaland, kaasi oo odayaasha beesha Ciise Maxamuud aysan raali ka aheyn, balse maanta ku guuleystay.

Wararka ayaa sheegaya in Suldaan Siciid Maxamed Garaase uu isaga baxay magaalada Garoowe, halka Islaan Ciise Islaan Maxamed isna la sheegayo in uu ka baxayo magaalada.

Sidoo kale maalin ka hor waxa Garoowe isaga baxay Isimo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kasoo jeeda beesha Cumar Maxamuud, kadib markii Siciid Deni uu ka boobay kuraasta Golaha Shacabka ee HOP#198 iyo HOP#199.

Isimada Puntland ayaa ka mid ah odayaal dhaqameedyada ugu saameynta iyo awoodda badan Soomaalida marka ay noqoto deegaanadooda, hase yeeshee Saciid Deni ayaa inta badan si awood leh u maamushay xulidda kuraasta laga soo dooranayo Puntland, isaga oo aan eegin rabitaanka isimada.