Xiisad markale kasoo laba kacleysay Galmudug iyo digniin culus oo lasoo saaray

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maalmihii udambeeyay ayaa waxa deegaano ka tirsan maamulka Galmudug dib uga soo cusboonaadey colaad Beeleedyo, kuwaasi oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

Maamulka Galmudug ayaa si adag uga hadlay colaadaasi dib uga istaadhmatay deeganadooda, kaasi oo sababay tiro dhimasho iyo dhaawac ah oo ilaa hadda si dhab ah loo xaqiijin karin.

Axmed Shire Falagle, Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa shaaciyey in golaha wasiirada maamulkaasi ay kulan deg-deg ah ka yeelan doonaan sidii xal looga gaari lahaa colaad Beeledyadaasi.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay in xiisada coladeed ee kasoo cusboonaatay deegaanada Galmudug aysan marnaba banaaneyn inay ka hadlaan wasiirada kale ee Galmudug, maadama uu ku doodayo in wasaarada warfaafintu ay kaligeed ka warbixin karto.

Wuxuuna si adag uga digay in xubnahaasi ay ka hadlaan colaad Beeleedyada iyo dagaalada dhex-mara dadka degaannada Galmudug iyo weliba maleeshiyada Al-Shabaab.

Galmudug ayaa waxa kusoo labo-kacleeyay dagaalo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed, xili uu dhawaan sheegay madaxweyne Qoor-Qoor in maamulka Galmudug uu meesha ka saaray dagaaladaasi.

Waxaana ugu dambeeyay dagaaladii ka dhacay degaannada Xanan-buure iyo Qalanqaale, kuwaasi oo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.