Xiisaddii ka dhalatay arrintii Qalbidhagax: Sida ay DF u maareysay iyo xaqiiqda

Marka hore, damiirkaygu waa ii saamixi waayey inaan ka aamuso arrinta ku saabsan go’aankii ay dawladda federaalka ugu gacan gelisay dawladda Itoobiya Cabdikariim Qalbidhagax. Runtii, guud ahaan waa arrin u baahan in si hoose loo derso sida ay wax u dhaceen iyo sida shurucda caalamiga ah ay qabaan marka loo eego isu celinta maxaabiista ee ka dhexayn kara laba dawladood.

Waxaa hore loo yiri “Qof aan shaqayn qef ma galo” iyo “Nin xil qaaday, eed qaad”, taasoo aan ugu dan leeyahay in, dawlad iska daayee, qofka bani’aadamka ah kama reebana qef, xitaa Nabigeenna suubanaa, Naxariis korkiisa ha ahaatee oo Ilaahay ka doortay ummaddisa, waan ka dheregsan nahay taariikhdiisa. Hase yeeshee, waxaa marnaba suuragal noqonayn in qalad lagu dhiirrado in qalad kale lagu saxo. Dawlad kasta ee dunida ka jirta waxay leedahay mucaarad iyada dhaleeceeya, hase yeeshee asluubtu waxay ku jirtaa inay ku salaysanaato dhaleeceyn wax dhisid ah (Constructive criticism) ee ayan noqon mid ku salaysan dano siyaasadeed ama shakhsi. Xaaraan ma aha in qof ama dawlad la dhaleeceyo, hase yeeshee waxaa shardi ah inay ku fadhiso xaqiiq iyadoo la xushmeynayo sharafta dawladnimo waayo waxay ku timid iraado shacbi oo ay majaraha u hayso hoggaanka qaranka.

Anigu, ujeeddadaydu kuma qotonto inaan dhinac u xagliyo doodda weli taagan ee ka dhalatay dhiibista iyo go’aankii ay dawladda ka qaadatay arrintaas ee waxaan rabaa oo keliya inaan, anigoo kaashanayo khibrad  iyo waaya aragnimo 45 sannadood ah, is barbardhigo siday wax u jiraan iyo sida ay ahayd in lagu tallabsado iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah ee arrintaasi ku taxluuqta.

Marka hore, anigoo ogsoon inaan meeshaba jirin dal maanta faraha ugu jira astaamihii qaran loogu aqoonsan lahaa oo ah xuduud, dhul, bad, dawlad ka tarjumaysa maslaxadda ummaddeeda, hawo, midnnimo iyo kuwo kaloo fara badan, waa adag tahay in si habboon looga faalloodo, waayo inta aad is leedahay waxaa xil ka saaran yahay waxna ka qaban kara, iyagii baa jilaa ka ah. Weligeed ma dhicin in neef lo’ ama geel ah uu kan kale ku dhaleeceeyo cawrada, waayo giddigood waa isku wada mid. Soomaali maanta arrintaas murugada leh ayaa haysata. Ilaahow towfiiqta na waafaji. Aamin

Haddaba, aan u soo noqdo nuxurka doodda. Dawladdu waxay caddaysay inay Cabdikariim Qalbidhagax u cuskatay heshiis hore u wada galeen laba dawlad goboleed (Galmudug iyo Maamulka Soomaalida ee Itoobiya). Inkastoo habkii loo maray uu mugdi badan ku jiro, waayo waxay ahayd inay wada saxiixaan laba ergay oo ka kala socda labada dawlad goboleed, fulintiisuna ay ahayd inay labadooda fuliyaan ee ma ahayn inay dawladda federaalka ay dhex dabaalato, maaddaama aanu barlamaanka federaalku la hor geyn kaddibna aan ansixin. Labadooduba waxay hoos tagaan laba dawladood oo federaal ah. Waa dhab inay wada gali karaan heshiis hase yeeshee tallaabada xigtay waxay ahayd in loo gudbiyo barlamaanka si uu u sharciyeeyo kaddiba uu noqdo mid heer federaal ah. Su’aashu waxay tahay: Imisa sharci ayaan baarlamaanka la horgeyn oo aan ka warqabno jiritaankooda oo qaarkood heer qaran ah hanti qaranna loo sharciyeeyey dawlado shisheeyey. Haddii la aqoonsaday heshiiskaas, waxaa cad inaan loo baahnayn baarlamaanka oo hay’ad kasta u banaan tahay inay heshiisyo la geli karto hay’ado ama dawlado kale.

Tusaale, haddii maanta Reer Af-Ku-Uusle lagu shaabbadeeyo inuu yahay dembiile, waxaa ka horreysa in marka hore la caddeeyo lana faafiyo sababta uu ku noqday dembiile. Waa waxaan maskaxda bani aadamku marna aqbali karin in reer ilaa maanta aan wax dembi ah lagu eedayn in lagu qaado sharci aan waafaqsanayn dembiga uu galay. Dawlad goboleedku maxay iyadu ugu wareejin wayasay Cabdikariim Qalbidhagax dawladda Itoobiya, maaddaama ay iyadu gacanta ku haysay, heshiiskana uu ka dhexeeyey iyada iyo dawlad goboleedka Soomaalida ee Itoobiya? Soomaali waxay hore u tiri “Timir laf baa ku jirta”.

Cidina maanta kama qarsoona in dawladda federaalku arrinta ka hoos baxaday, hase yeeshee waxay ahayd in mar haddii khaladku dhacay, isla markiiba ka hadasho oo shacadkeeda u sheegto sida ay wax u dhaceen iyo waxa ay ka damacsan tahay sidii loo sixi kahaa. Maahmaah Soomaalieed ayaa waxay leedahay   “Wareer cawo waa loo waa baristaa”, taasoo macnaheedu tahay in mar haddii khalad dhacay waa in dawladdu isku noqoto kaddibna talaabo degdeg ah ka qaaddo cid alle cidii khaladkaas ku lug lahay, sidaas ayeyna uga badbaadi kartay dhaleeceen kasta ee uga timaadda arrinta Cabdikariim Qalbidhagax, shacabkuna ku degi lahaa. Ayaandarro,  waxay isku raacday inuu khalad dhacay ay ku saxdo mid ka sii weyn oo hor leh, kaasoo ka faa’iidaystay cid kasta oo dan ugu jirto in dawladda la carqaladeeyo. Dawladwanaaggu waxay ku jirtaa in shacabkeeda u sheegto wixii wanaag ah ay ku dhaqaaqdo iyo wixii khadad ah ee ka dhaca. Cabdikariim Qalbidhagax ka hor, immisa shakhsi ayaa hore gacanta loogu geliyey dawladda Itoobiya, maxaa midda Qalbidhagax oo keliya dawladda loo soo dhexgeliyey? Sababtu waa iska cad tahay, qofkii feker saliim ah leh waxaa ku habboon inuu sababtaas tixgelin gaar ah siiyo.

Ugu dambayn, waxaan soo jeedinayaa inaan is daba qabanno oo aan sharafteenni qarannimo dib u hananno, waayo annagu beerito waan tagaynaa, waxaan maanta abuuranna waxaa guran doona ubadkeenna. Aan xil iska saarno sidii aan ubadkeenna uga tegi lahayn nolol wanaagsan iyo Qaran ay harsadaan.

W/Q: Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid