Cosoble: 3 dabeecad ayey xukuumadda Nabad iyo Nolol ku caan baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ku caanbaxday seddex dabeecadood oo caqabad ku ah horumarka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in tan iyo markii la ansixiyay xukuumadda Soomaaliya ay jiraan walwal badan oo laga qabo xukuumadda, isaga oo sheegay in Maquunis iyo hanjabadaad ay ku caanbaxday xukuumadda.

“8 february 2017 ilaa iyo hadda waxaad moodaa in dadka ay muujinayaan walwal farabadan oo ah qaab dhaqanka Xukuumadda, Xukuumadan waxa ay doorbideysaa in ay wax walbo ku wadato Maquunis, hantadaad iyo Musuq Maasuq”ayuu yiri Xildhibaanka.

Handadaada, Maquuninta iyo Musuq Maasuq ayuu sheegay inay yihiin kuwa walwalka badan u horseedaya shacabka iyo baarlamaanka, taasina ay ku caanbaxday xukuumadda Soomaaliya.

Saameynta walwalka laga qaaday hab dhaqanka xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay gaareen magaalooyinka kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Weeraradii kala duwanaa ee dalka ka dhacay oo qaarkood siyaasiyiin lagu qaaday ayuu sheegay inay qeyb ka ahaayeen handadaada xukuumadda ay sameyneysay, taasina ay keeneyso niyad jab.

Weerarkii Bariire, Dhiibitaankii Qalbi Dhagax, aqoonsigii ONLF ee argagixisada u aqonsatay xukuumadda Soomaaliya iyo weeraradii Siyaasiyiinta qaar loogu geystay magaalada Muqdisho ayuu tusaalooyin usoo qaatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com