Xildhibaan Fowsiya Yuusuf oo si cajiiba uga hadashay hadalkii Yuweri Musaveni

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni.

Kadib Qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa waxay ku sheegtay in loo baahan yahay in hadalka madaxweynaha dalka Uganda loo qaato canaan oo aan loo qaadan mid dhibaato ku ah dowladda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in hadalka kasoo baxay madaxweynaha Uganda aan looga falcelin sidii talaabo looga qaadi lahaa, dalal ama Hay’addo qalad ka galay dalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigay.

Waxay sheegtay in Uganda ay dhiig u daadisay nabad galyada Soomaaliya, islamarkaana ay wali ilaaliyaan hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya.

Waxay sheegtay in ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu badan ee dalka jooga, islamarkaana aan lagu dagdagin jawaabta la siinayo madaxweyne Yuweri Musaveni.