Xildhibaan kashifay dad xabsiyada lagala baxay kadibna duurka lagu dilay (Aqri Magacyada 10).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, ayaa shaaciyay in Hay’adaha amaanka dalkaasi ay falal gurcan kula kacaan dhalinyarada Soomaalida ah.

Xildhibaankaani oo magaciisa lagu sheegay Junet Mohamed, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay dilaan dhalinyarada kasoo laabata Al-shabaab ee isku dhiiba Dowlada.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay la socdaan in Xabsiyada lagala baxo inta badan dhalinyarada islamarkaana ay ku dilaan meelaha ka baxsan magaalada kadibna ay sidaa ku aasan.

Waxa uu tilmaamay in ku dhawaad 15 dhalinyaro u badan Somali iyo Kenyaanka ilaa iyo hadda lagu la’ yahay nolol iyo geeri, waxa uuna tibaaxay in qaarkood meydadkooda lagu arkay meelo ka baxsan Magaalada.

Liiska magacyadda Dhallinyaradda Somali-Kenyanka la la’ yahay ee uu Xildhibaan Junet Mohamed soo bandhigay ayaa kala ah:

1-Asha Abdullahi

2-Yahya Abdukadir Adan

3-Abdirahman Mohamed Dakani

4-Jamal Muktar Ali

5-Abdikadir Mohammed Webi

6-Mohammed Ali Mohammed

7-Ali Hassan Mohammed

8-Omar Farah Adow

9-Ali Omar Hassan

10-Abdikadir Sheikh Mohammed Dahir oo ah Arday Jamaacadeed oo la la’ yahay.

Geesta kale, Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino waxa uu difaacay Saraakiisha Boliska ee lagu eedeynayo inay ka dambeeyaan Dhallinyaradda Soomaalida ee raqdooda iyo ruuxooda la la’ yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com