Xildhibaan ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo ‘guutada madaxtooyada’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare oo ka tirsan golaha shacabka ayaa kulankii baarlamaanka ka sheegay inuu ka shakisan yahay ciidanka ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanka oo aragti ka dhiibtay hadal heyn ka dhalatay xildhibaanada qaar oo cabasho ka soo gudbiyey baaritaan lagu sameeyey ayaa sheegay in ciidanka ilaaliya madaxtooyada ay marin habaabinyaan sugidda amniga.

“Guutada madaxtooyada anigu shaki badan ayaan ka qabaa, sababtoo ah markii amniga laga hadlo xildhibaanada  ayey isku taagaan, maalin dhaweeto mid ayaa I istaajiyey markaas ayuu igu yiri darawalka gaariga kuu wada mid kuu qoran maaha ee iska laabo, marka sugidda amniga halkaas nagama jiro ee ciidanka ilaaliya waan ka shakisanahaye dib haloo eego,” ayuu yiri Sanyare.

Xildhibaanka ayaa marin habaabin amni ku tilmaamay in la baaro xildhibaanada, “Waa marin habaabin, meeshii amni xumadu jirtay ayaa la iska marin habaabinayaa, markaasaa xildhibaanada jeebkooda gacanta la gelinayaa,” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in ciidanka madaxtooyada ilaaliya ay xildhibaanada beegsadaan markii amni darro la sheego.

“Meeshii amnigu jiray meel aan aheyn ayaa la aadayaa mar kasta, waxaan soo jeedinayaa in guudata madaxtooyada la baaro oo dib loogu noqdo, waxa wax qaldaya oo sharciga ku tumanaya waa ayaga,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa dembi weyn ku tilmaamay in gaar loo beegsato xildhibaanada gabdhaha ah oo baaritaan gooni ah lagu sameeyo, “In gabadha gaar loo baaro oo boorsadeeda la fago, ninkana gudub la dhaho waa dembi kale, waxaana halkaas ka soo baxaya xoriyad la’aantii ay dumarku ka caba jireen,” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa guddoonka ka dalbaday in la sameeyo guddi ka soo shaqeeya amniga iyo ilaalinta xasaanadda xildhibaan oo kulamada dambe ku soo celiya warbixin waafi ah.

Hoos ka daawo